Macalinka reer Argentina Diego Simeone ayaa bilaabay inuu dagaal dhanka afka ku qaado xidigaha kooxda Real Madrid ka hor kulanka Derbiga ah ee Atletico iyo Real Madrid dhex mari doono.
Macalin Diego Simeone ayaa ku tilmaamay laacibiinta Galtico-da ee Madrid ku sugan in kulanka caawo aysan farsamadooda iyo tayadooda aadka u sareyso waxba tari doono marba hadii kulankan si adag loogu dagaalami doono.
“Waa run marka la fiiriyo dhinacyo badan Real Madrid wey naga xidigo wanaagsan tahay balse kulan kala bax ah wax micno ma sameyneyso in laacib garoon ku jiro iyo in kale”
“Waxaa muhiim ah in shaqo adag la qabto marka xidigaha Real waxba kuma fadhiyaan mar hadii cayaarta ay noqoto mid aad u adag oo kubada lagu dagaalami doono”
“Real Madrid xidigo waxay heesataa aan la gaari garin waxaana u hayaa xushmad weyn balse kulankan waa mid miisaankiisa dheeli tiran yahay sido kalena aan la iska yeeli doonin in hal laacib ama laacib ay farsamo dheeraad ah soo bandhigaan”
Macalin Diego Simeone aya dhanka kale amaanay Luka Modric sidoo kalena ka dhawaajiyay in xidigan uu udub dhexaad u yahay Real Madrid.
“Luka Modric soo labaashadiisa Real Madrid waxay ka heshay xasilooni sidoo kalena waa laacib aad ugu wanaagsan kubad qeybinta waxaana dhihi kara waa xidig aysan Real marnaba ka maarmin”
king 7
14-April-2015 at 4:47 pm
adeer simeone waxba hafaanin ciyaaryahanada glacticada simeone caawa fadhi kuuma yaal 90ka taagnaan iyo qaylo iyo difaaca ku noqo aa kugu ogahay nin number sagaal ka ciyaro ayuu leeyahy difaac gal walee waa kaa yaabay odeyahow qaabka xun caawa waxee ku dhamaanee 8-0 real madrid guul bye cumar realmadrid 4ever