Macalin Sir Alex Ferguson oo Paul Pogba tababare ugu ahaan jiray naadiga Man United ayaa ku booriyay kooxda Juventus inay laacibkan xagaagan iska iibiyaan.
Inkastoo Ferguson uu tayada Pogba ka shakiyay markii ay Man United isla joogeen hadana macalinkan waya araga ah ayaa Juve ku booriyay inay xidigan iibsadaan madaama kooxo badan lacago waali ah diyaar ula yihiin.
Pogba haatan waxaa lagu qiimeeyaa €100m waana lacagaha ay Juve xidigan dul dhigtay sidaa darteed Ferguson arinkan lama yaabano.
Wuxuuna yiri “Waan iibin lahaa Pogba xagaagan inkastoo aan hada ka hor fasaxay haatana hadii aan macalinka Juve ahay xagaagan waan iibin lahaa madaama lacago badan lagu baadi goobayo”
“Juve waxay heesataa xidigo ay Pogba kaga maaranto sidaa darteed waxaan ku boorin lahaa inay xagaagan xidigan iska iibiyaan”
“Juve waa koox awood badan madaama 4-sano ee ugu dambeesay ay Serie A-da ku guuleesatay sidoo kalena nasiib daro Champion-ka in laga qaado uma qalmin”
“Sidaa darteed Juve waa koox diyaarsan kana maaranto Pogba oo haatan lacago waali ah lagu doonayo”
Hadaba kooxda Juventus ma u dhaga nuglaan doontaa hadalka kasoo yeery Sir Alex Ferguson oo ku boorinaayo inay iska iibiyaan xidigooda ugu tayada wanaagsan.