Home » Horyaalada » italian Serie A » Sky Italia Oo Sheegay In Kooxda Roma Ay Saxiixa Samir Nasri Hormar Wanaagsan Ka Sameesay

Sky Italia Oo Sheegay In Kooxda Roma Ay Saxiixa Samir Nasri Hormar Wanaagsan Ka Sameesay


nasri

Sky Italia ayaa si rasmi ah u shaaciyay in kooxda Roma ay hormar wanaagsan ka sameesay sidii ay kula soo wareegi laheyd xagaagan kubad sameeye Samir Nasri.

Xidigan iyo kooxdiisa Man City xiriir wanaagsan kama dhaxeeyo waxaana lagu daray liiska xidigaha xagaagan garoonka Etihad laga diri doono.

Sidaa darteed Rom ayaa la xariirtay Nasri iyo wakiilkiisa waxayna miiska usoo saartay qorshe uu xidigan aqbalay.

Sky Italia ayaa sidoo kale sheegay in Roma ay dhigeeda Man City u gudbisay dalab €15 million oo ay ku dooneyso xidiga reer France.

Hadii Man City ay lacagahan saluugto waxay madaxda Roma diyaar la yihiin ilaa €20 million inay gaarsiiyaan qiimaha ay Nasri ku doonayaan.

Samir Nasri xili cayaareedkan hoos u dhac weyn ayaa ku habsaday haatana wuxuu halgan ugu jiraa inuu u dagaalamo mustaqbalkiisa Man City balse macquul uma ahan inuu xili cayaareedka kale kooxdan kasii mid ahaado.

Madaama ay Man City suuqa Yurub ka baadi goobeyso xidigo booskiisa gali karaan sida Raheem Sterling oo ay Man City lacago aad u fara badan ku baadi goobeyso.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>