Sida uu ka dhawaajiyay wakiilka xidigaan reer Brazil “Dani Alves” ayaa ku dhaw inuu heshiis hordhac ah la galo koox ka dhisan yurub balse aan la magacaabin.
Dani Alves ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxo badan oo yurub ka dhisan oo ay ka mid tahay Man United, madama uu xagaagan dhamanayo heshiiska uu ku joogo Camp Nou iyadoo kooxda ka dhisan Spain aysan wax heshiis cusub ah usoo bandhigin wali.
Dinorah Santana oo ah wakiilka 31-jirkaan reer Brazil ayaa sheegay in Dani Alves uu qarka u saaran inuu heshiis la galo koox aan la shaacin isla markaana uu ka dhaqaaqo Barcelona.
“Waxaan ku dhawnahay inaan heshiis la galno koox kale, wadahadalo ayaa jira, Barca? wali waa suuragal, balse wax badan ma sugi doono inuu heshiis ka helo”
Ugu dmabeyntii Alves oo in ka badan 200 kulan u saftay Barcelona, isla markaana kula guuleystay afar horyaal, laba Champions League ayaa ka huleelaya Gobolka Catalonia.