Madaxweynaha xiriirka FA-ga Ingiriiska Greg Dyke ayaa ka dhawaajiyay iney qorsheynayaan hirgalinta heshiis cusub oo ay ka saxiixayaan macalin Roy Hodgson.
Hodgson ayaa xilka tababaranimo ee xulka qaranka Ingiriiska kala wareegay Fabio Capello sanadii 2012, inkastoo natiijo la aqbali karo ay noqon weysay wixii ka qabsaday koobkii Aduunka ee 2014 markaas oo ay ku hareen wareega groupyada, hadana FA-ga waxey ku adkeysteen iney siiyaan fursad kale.
Roy Hodgson wiilashiisa qaab fiican ayey ku bilaabeen isreeb-reebka Euro 2016, madama afartii kulan ee ay ciyaareen ay dhamaan guulo gaareen.
Heshiiska uu haatan macalin Roy Hodgson kula jiro xulka qaranka Ingiriiska wuxuu ku egyahay dhamaadka koobka Euro 2016 oo ka dhici doona faransiiska.
Greg Dyke ayaana qiray iney doonayaan iney sanad dheeraad ah ugu daraan, si uu ugu guuleysto inuu xulka usoo saaro koobka Aduunka 2018-ka ka dhici doona Russia.
Ugu dambeyntii Roy Hodgson ayaa lagu amaanay shaqada uu qabtay inta uu hayay xilkaan madama uu ciyaartoy badan soo saaray.