Home » Horyaalada » italian Serie A » Sky Sports Italia: Inter Milan Oo Heshiis La Gaartay Xidiga Khadka Dhexe Sevilla Stephane Mbia

Sky Sports Italia: Inter Milan Oo Heshiis La Gaartay Xidiga Khadka Dhexe Sevilla Stephane Mbia


MBia

 

Inter Milan ayaa lagu soo waramay iney heshiis la gaartay xidiga khadka dhexe kooxda Sevilla Stephane Mbia sida ay tilmaameen warbixino ka imaanaya talyaaniga.

Kooxda uu hogaamiyo Roberto Mancini ayaa xagaagan ku tala jirta iney adkeyso khadka dhexe waxeyna dooneysay xidigaha ay ka midka yahiin Yaya Tour iyo Felipe Melo oo u kala ciyaara kooxaha Galatasaray iyo Manchester City, balse Mbia ayey ka bilowday dib u dhiska kooxda.

Sida ay qortay Sky Sports Italia, Mbia oo uu qandaraaska uu kula jiro kooxda dhacayo bishaan ayaa heshiis la gaaray kooxda Inter Milan.

Si kastaba Roberto Mancini ayaan ka hadlin wali sheekadan, mana jirto sheeko rasmi ah oo ay labada kooxood ku dhawaaqeen.

29-jirkaan reer Cameron ayaa 36-kulan kasoo muuqday xagaagan kooxda Sevilla, wuxuuna laba sano oo xiriir ah kooxdiisa kula guuleysay koobak Europa League.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>