Home » Maxaa Cusub » Sky Sports: Manchester United Oo Xaqiijisay Iney Xiiseyneyso Boqorka London & Kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane

Sky Sports: Manchester United Oo Xaqiijisay Iney Xiiseyneyso Boqorka London & Kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane


Kane a

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane sida ay ogaadeen ilo ku dhaw Sky Sports.

Man United ayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka baadi goobysa weeraryahan cusub madama uu u qalmi waayay Radamel Falcao iney heshiis rasmi ah ku abaalmariyaan madama uu ku fashilmay amaah sanad ah oo ay heysteen xagaagii dhamaaday.

Harry Kane ayaa kazoo hilaacay waqooyiga London kadib markii uu 21-gool u dhaliyay kooxdiisa xagaagi dhamaaday, sidoo kalana waxaa April la gudoonsiiyay abaalmarinta da’yarka ugu fiican xili ciyaareedka horyaalka Ingiriiska.

James Cooper oo ah wariye ka tirsan Sky Sports aya xaqiijiyay in Man United aysan bishii hore xiiso u qabin Kane, balse haatan ay si rasmi ah u shaacisay iney xiiseyneyso xidigaan heerka caalami.

“Raadinta weerar ee Man United waxey markaan ku foorartaa Harry Kane waana xidiga ay xiiseyneyso” Ayuu yiri James Cooper.

Ugu dmabeyntii United waxey si aad ah haatan u dardargalin doontaa saxiixa xidigaan reer England ee wacdaraha dhigay xagagii dhamaaday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>