Lama oga in Roy Hodgson uu shaqada xulka England sii heyn doono waqtigaan balse Sky Sports ayaa soo saartay shaxda macquulka ah ee safka hore ka noqon kara Xulka Ingiriiska marka la gaaro koobka Aduunka 2018-ka lagu qaban doono Dalka Russia.
Wayne Rooney wuxuu xiligaas jiri doonaa 31-sano, balse Sky Sports wey ka reebtay shaxdeeda sidoo kalana hal xidig oo haatan ka tirsan Chelsea kuma jiro kooxdaan.
Joe Hart oo 31-sano jirsan doona waqtigaas ayaa ku jira shaxdaan inkastoo uu tartan adag kala kulmi doono Jack Butland oo Stoke City goolka u qabta isla markaana haatan ka baxay hooskii uu ku hoos jiray ee Asmir Begovic oo ku biiray Chelsea.
Daafaca Xulka Wuxuu noqon doonaa Stones oo ka tirsan haatan Everton, Jones oo ka tirsan Man United, Luke Shaw oo ka tirsan Man United iyo Clyne oo isna ka tirsan Liverpool.
Khadka Dhexe xulka waxaa istaagi doona Barkley, Wilshere iyo Henderson oo haatan kabtan u ah Liverpool, halka weerarka ay gali doonaan Chamberlain, Sterling iyo Harry Kane.
Kooxaha Liverpool, Man United, Everton, Arsenal iyo Man City ayaa min laba xidig ku leh, halka Tottenham ay iyana ku yeelatay hal xidig oo qura.