Home » Maxaa Cusub » Soo Laabashada Daniel Sturridge Ma U Sahli Kartaa Liverpool Iney Ka Mid Noqoto Afarta Sare?

Soo Laabashada Daniel Sturridge Ma U Sahli Kartaa Liverpool Iney Ka Mid Noqoto Afarta Sare?


Sturridge

 Halyeeygii hore kooxda Liverpool Ray Houghton ayaa qaba in kooxda Liverpool ay soo tiigsan karto afarta koox ee ugu sareysa mar hadiiba uu soo toosay weerarayahanka reer England Daniel Sturridge kaas oo inta badan xili ciyaareedkaan daaweyn ku qaatay.

Sturridge kama soo muuqan Liverpool tan iyo markii ay kooxdaan ka dhisan gobolka Merseyside ay 3-0 ku garaacday Tottenham Hotspur kulan ka tirsan EPL-ka iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankaas uu ka dhacay White Hart Lane maalintii ugu dambeysay bisha August.

Daniel Sturridge waxaa dhaawac dhanka canqawga ah uu kasoo gaaray xili uu tababar la qaadanayay xulka England, balse dib u dhac ayaa ku yimid waqtigii uu garoomada kusoo laaban lahaa markii uu hadana dhaawac kale kasoo gaaray tababarka Liverpool bartamahii October taasoo dib u dhigtay mudada soo labashadiisa.

Dhanka kale Liverpool kaliya waxey guul gaartay 4-kulan, 14-kulan oo ay ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan inta uu ka maqnaa Daniel Strurridge, balse sida haatan la xaqiijiyay wuxuu kooxda dib ugus oo laaban doonaa kulanka ay Selhurst Park martida ugu noqon doonaan kooxda Crystal Palace 23-ka November.

Ray Houghton ayaa aaminsan in kooxda Liverpool hamigeeda xili ciyaareedkaan uu yahay kaliya iney ku dhameysato afarta koox ee ugu sareysa isla markaana ay kasoo muuqato tartanka Champions League, Sturridge ayuuna ku tilmaamay xidiga u hogaamin kara iney ku dhameysato afarta sare.

Sidoo kale Ray Houghton wuxuu dood ka keenay saxiixa daafaca Dejan Lovren kaas oo kooxda qiimo badan ugu fadhiya balse qaladaadkiisa ay bateen, wuxuuna qiray halyeeygaan in xidigaan hadii uusan isbadal sameyn uusan kooxda caawin karin.

Ray Houghton sidoo kale wuxuu amaan iyo dhaliil usoo jeediyay daafaca bidix ee xulka Spain Alberto Moreno kaas oo badi ka maqan booskiisa madama uu xidigaan ka qeyb galo weerarka inkastoo uu aad u amaanay qaab ciyaareedkiisa weerarka iyo difaaca.

Ugu dambeyntiina Ray Houghton wuxuu rajeynayaa in Reds ay ku dhameysato afarta ugu sareysa wuxuuna qabaa in Daniel Sturridge uu kooxda u hogaamin karo iney gaarto heerkaas.

One Response to Soo Laabashada Daniel Sturridge Ma U Sahli Kartaa Liverpool Iney Ka Mid Noqoto Afarta Sare?

  1. saleebaankaafi:liverpool Reply

    November 14, 2014 at 5:05 pm

    Waa sidaa khabiirku tilmaamay way haadhi karaan afrata ugu saraysa hadii aanu dib u dhaawac min sturridge

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>