Carlos Tevez ayaa kooxdiisa cusub ee Boca Junior ka caawiyay iney guul ka gaarto Quilmes kulan ka tirsan horyaalka Argentina waxeyna ku dubteen 2-1.
Soo laabashada halyeeygaan ayaa ka dhigan in Boca Junior ay farxad dib u heleen wuxuuna xirtay maaliyada kooxda kadib 11-sano oo uu banaanka kaga maqnaa.
Sebastian Palacios ayaa hogaanka u dhiibay Boca Junior qeybta hore ciyaarta, balse Jonathan Calleri ayaa gool caaqibo leh gool labaad hogaanka ugu dheereeyay Boca Junior wuxuuna ahaa gool Rabbona ah oo laba lug is dhaaf lagu dhaliyay.
Kooxda Quilmes ayaa gool iska soo guday qeybta labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Alexis Canello, balse kama baajin iney guuldaro ka badbaado.
DAAWO MUUQAAL: