Sida uu sheegayo warsidaha fadhigiisa yahay magaalada Barcelona ee SPORT kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa weeraryahanka kooxda Manchester City Edin Dzeko.
Kooxda uu hogaamiyo Luis Enrique ayaa u dhag taagtay xaalada Edin Dzeko kaas oo la sheegay inuu xagaagan isaga tagayo garoonka Etihad Stadium.
Wargeyskaan ku hadla afka gobolka Catalonia wuxuu sidoo kale qiray in kooxda ay dooneyso xidigaha Fernando Llorente, Mario Gomez iyo Graziano Pelle oo ah weeraryahano isku qaab u ciayara.
Sida ay sheegeyso SPORTS, Barcelona ayaa u baahan weeraryahan ka madax banaan xidigaha la lagu wada magacaabo MSN kuwaas oo weerarka kooxda kali ku ah.
Pedro Rodriguez ayaa ku lamaanan iyo da’yarka reer Spain Munir El Haddadi, balse Pedro ayaa u muuqda mid ka huleelaya madama uu kursiga wehel la noqday.