Home » Maxaa Cusub » SPORT: Manchester United Oo Qarka U Saaran Iney Heshiis La Gaarto Daafaca Barcelona Dani Alves

SPORT: Manchester United Oo Qarka U Saaran Iney Heshiis La Gaarto Daafaca Barcelona Dani Alves


Dani Alves

Sida ay ka dhawaajisay majaladda gobolka Catalan fadhigeedu yahay ee SPORT kooxda Man United ayaa u dhaw iney heshiis la gaarto daafaca kooxda Barcelona Dani Alves.

Wararka waxey sheegayaan in Dani Alves uu iska diiday dalab cusub oo ay usoo gudbisay Barcelona, madama dalab ka xoog badan uu ka helay kooxda Man United.

32-jirkaan reer Brazil si xor ah ayuu kaga tagi karaa kooxda Barcelona marka uu dhamaado xagaagan, waxaana haatan uu ku jira qaab ciyaareed wacan.

Todobaadyadii ugu dambeeyay sheekooyinka xidigaan laga qoray ayaa kusoo biyo shubanayay in xidigaan uu baaqi kusii ahaan doono Camp Nou.

Heshiis ay United la gaarto waxey sahleysaa iney ka maaranto hardanka ay ugu jirto daafaca da’da yar ee Southampton Clyne.

Ugu dambeyntii Dani Alves ayaa noqonaya xidigii labaad oo Brazil kaas oo ka tirsan Man United kadib Rafael waase hadii sheekada suuragasho.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>