Sida ay qortay Starsports oo soo xiganeysa Telegraph kooxda Liverpool ayaa todobaadkaan ku dhawaaqeysa saxiixa James Milner oo ay si xor ah ku heli doonto.
29-jirkaan reer Ingiriis ayaa heshiis la gaaray kooxda Liverpool sida ay shaacisay Telegraph waxaana la filayaa in saxiixiisa lagu dhawaaqo todobaadkaan gudahiisa inkastoo City ay isku dayeyso iney xidigaan ku qanciso mushaar dhan 165,000 kun Pound oo todobaadkii ah.
James Milner wuxuu doonayaa inuu boos joogto ah helo waana sababta ugu weyn oo uu ku diidayo heshiiska aan caadiga aheyn ee ay usoo bandhigeyso kooxdiisa Manchester City.
Si kastaba ku dhawaaqida todobadkaan ee Liverpool saxiixa James Milner ayaa noqon doonta mid muhiim u ah kooxda uu hogaamiyo Rodgers iyadoo si rasmi ah loo shaacin doono 1-da July ee soo aadan.
Milner kaliya 18-kulan ayuu kusoo bilowday xagaagan, waxaana lala doonayaa inuu doorkii Steven Gerrrard ee kooxda uu buuxiyo.
Ugu dambeyntiina Liverpool ayaa sidoo kale isku daysya saxiixa Danny Ings oo ka tirsan kooxda Burnley oo u laabatay heerka labaad.