Home » Maxaa Cusub » Sterling Iyo Welbeck Oo Laga Yaabo Iney Seegaan Kulanka Saaxiibtinimo Ee Talyaaniga

Sterling Iyo Welbeck Oo Laga Yaabo Iney Seegaan Kulanka Saaxiibtinimo Ee Talyaaniga


Sterling

Macalinka xulka qaranka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa filanaya inuu kooxdiisa ka saaro wiilasha da’da yar Raheem Sterling iyo Danny Welbeck kuwaas oo dhibaatooyin yaryar tabanaya.

Labadaan xidig ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay Lithuania ku xaaqeen 4-0, kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.

Si Kastaba Roy Hodgson ayaa qiray in Welbeck uu xanuun ka dareemayo jilibka halka Raheem Sterling isna uu suulka xanuun ka dareemayo.

Dhanka kale Hodgson ayaa todobaadkii hore sheegay inuu fasax siinayo Raheem Sterling kaas oo cirbado xanuun baabi’iye ah isticmaalay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyntiina Ingiriiska ayaa u safri doona talyaaniga talaada isagoo halkaas kulan saaxiibtinimo kula soo ciyaari doona.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>