Home » Maxaa Cusub » Steven Gerard Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradiisii 11-aad Asigoo Liverpool Kabtan U Ah

Steven Gerard Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradiisii 11-aad Asigoo Liverpool Kabtan U Ah


Steven

Hogaamiyaha kooxda Liverpool Steven Gerard ayaa maanta u dabaal dagay sanad guuradiis 11-aad asigoo Liverpool kabtan u ah, wuxuuna halyeegan ku faraxsan yahay mudada dheer ee uu Reds masuulka ka yahay marka garoonka lagu jiro.

Gerard ayaa kabtanimada Liverpool kala wareegay Sami Hyypia 15-kii October 2003 haatana 11-sano oo xariir ah ayuu Reds kabtan u yahay sida darteed laacibkan oo dareenkiisa kacsan ayaa goobaha bulshada ay ku sheekeesato farin ku aadan sanad guuradan soo dhigay.

“11-sano ka hor maanta oo kale waxaan noqday kabtanka Liverpool, waa nadigii aan kusoo bar baaray sidoo kalena ku riyoon jiray inaan waligay u cayaaro, ma jirto maanta shara iiga weyn inaan Liverpool 11-sano hogaamiyo!”

“Waxay ii tahay sumcad aad u weyn inaan kabtan u ahaado Liverpool oo ah naadi dhaqan ahaan mugeeda aa loo dhawaan karin” #YNWA”

Gerard markii kabtanka Reds laga dhigay 2-sano kadib waxay Liverpool ku guuleesatay koobka horyaalada Yurub oo ay si taariikihi ah sanadii 2005 kaga qaaday naadiga AC Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>