Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard “Dhalinta Xulka England Waxaa Saaran Cadaadis Aysan Xamili Karin”

Steven Gerrard “Dhalinta Xulka England Waxaa Saaran Cadaadis Aysan Xamili Karin”


gerrard_2732923b

Kabtankii dhawaan xulka England ka fariistay Steven Gerrard ayaa si rasmi ah u sheegay in dhalinta haatan xulkan ka tirsan uu saaran yahay cadaadis xoogn oo aysan xamili karin.

Xulka England haatan waxaa u badan dhalin da’dooda inta badan u dhaxeyso 19 ilaa 25 sidaa darteed Gerard ayaa aaminsan in laacibiintan aysan gaarin xili laga fisho wax buuran.

“Ma ahan in cayaartooydeena dhalinta yar cadaadiska laga badiyo waayo ma aysa gaarin heer lala xisaabtamo waxayna u baahan yihiin in garab la siiyo”

“Balse dalkeena wuxuu ku caan baxay xidigii madaxa soo qaadaba in cadaadiska laga badiyo sidaa darteed waxaan ka cabsi qabaa xidigaha sida Sterling iyo Barkley cadaadis awgiis doorkooda ay gaabiyaan!”

Gerard ayaa sidoo kale ugu baaqay saxaafada iyo shacabka reer England inay tooshka ka dhaafaan dhalinta soo shaac baxeyso sidoo kalena aan buun buunis dheeraad ah lagu wareerin.

Xulka England waxay caawo la cayaari doonaan xulka Slovenia kulan ka tirsan isreeb reebka Euro 2016 waxaana la filaa in Sterling iyo Barkley kulan kasoo muuqdaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>