Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard: “Jaceylka Aan U Qabo Liverpool Ayaa Iga Hor Istaagay Inaan Mourinho La Midoobo Sadex Jeer”

Steven Gerrard: “Jaceylka Aan U Qabo Liverpool Ayaa Iga Hor Istaagay Inaan Mourinho La Midoobo Sadex Jeer”


Mou

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa ka dhawaajiyay inuu fursad u helay sadex jeer inuu la midoobo macalin Jose Mourinho balse aysan u suuragalin isagoo sabab uga dhigay iney ka hor istaagtay jaceylka uu u qabo kooxda Liverpool.

Jose Mourinho ayaa sameeyay isku dayo uu xidigaan kula soo saxiixanayo waayahiisa Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid intaba balse Gerrard ayaa ku gacan seyray dalabyadii uga yimid macalinkaan reer Portugal.

Axadii ayey aheyd markii Mourinho iyo Gerrard ay isaga hor yimaadeen kulankii ugu dambeeyay oo ay isku arkaan labadaan shaqsi horyaalka EPL-ka kulan ay Liverpool booqatay Stamford Bridge.

Steven Gerrard laba kulan kadib wuu macsalaameynayaa horyaalka Ingiriiska wuxuuna ku biirayaa kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka sida uu ka dhawaajiyay goor hore taasna waxey la micno tahay iney EPL-ka isku arki doonin Mou.

“Waxaan la midoobi lahaa Mourinho sadex jeer hadaan taageero u ahaan laheyn Liverpool” Ayuu yiri Steven Gerrard.

Gerrard ayaa ka dhawaajiyay in dadka ay ku tilmaaman nacas madama uu Mourinho kula guuleysan lahaa in ka badan 10-koob haduu la midoobi lahaa, balse waxaa ku weyn jaceylka Liverpool.

Ugu dambeyntii Gerrard fursadaas kama faa’iideysan wuxuuna hadda ka tagayaa koox aad u jecel oo abaal weyn uga heysa waayahiisa uu kooxda u hibeeyay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>