Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard Oo Ku Booriyay Philippe Coutinho Inuu Noqdo Xiddiga Ay Taageerayaasha Liverpool Ku Faanaan

Steven Gerrard Oo Ku Booriyay Philippe Coutinho Inuu Noqdo Xiddiga Ay Taageerayaasha Liverpool Ku Faanaan


LIVERPOOL, ENGLAND - AUGUST 17:  Steven Gerrard of Liverpool celebrates victory with team mate Philippe Coutinho after the final whistle during the Barclays Premier League match between Liverpool and Stoke City at Anfield on August 17, 2013 in Liverpool, England.  (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

Steven Gerrard wuxuu iska dhiibay hogaanka kooxda Liverpool asigoo mudo 17-sano ah kooxdan hormuud ka ahaa.

Hadaba halyeegan laga jecel yahay garoonka Anfield ayaa doonayo in kooxda laga helo xidig qancin karo sidoo kalena kasban karo kalsoonida taageerayaasha Reds gaar ahaan kuwa loo yaqaan (Kop).

Sidaa darted Steven Gerrard ayaa si qaas ah ula taliyay kubad sameeyaha dhalinta yar Philippe Coutinho oo haatan kusoo baxay hogaamiye la isku haleyn karo.

Steven Gerrard oo ka hadlaayay sidii uu xidiga reer Brazil ugu kalsoon yahay wuxuu yiri “Wax badan ayaa iiga muuqdaan kartida Coutinho sidoo kalena wuxuu noqon karaa xidiga xiga ee kasbado kalsoonida taageerayaasha Reds”

“Inkastoo uu 22-jir yahay hadana waxaan doonayaa inaan u hambalyeyo Coutinho oo haatan noqday xidig darajo ku leh Liverpool”

“Waxaan ka rajeynaa kooxda uu sano badan sii joogo doono sidoo kalena Liverpool ka caawiyo sidii ay koobab kala duwan ugu guuleesan laheyd”

Dhanka kale Gerrard ayaa ka gaabsaday inuu amaano ama ka hadlo Raheem Sterling oo si cad u sheegay inuusan rabin joogitaanka Liverpool wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan.

Taasina waxay muujinee in Gerrard uusan rabin inuu ka hordhaco arimaha u gaarka ah kooxdiisa iyo Sterling oo haatan is mari waa xoogan ka dhex taagan yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>