Home » Europe » Champions League » Steven Gerrard Oo Laga Yaabo In La Nasiyo Kulanka Caawa Ee Champions League-ga

Steven Gerrard Oo Laga Yaabo In La Nasiyo Kulanka Caawa Ee Champions League-ga


1415053166286_wps_69_Jordan_Henderson_of_Liver

Macalinka Liverpool Branden Rodgers ayaa doonaya inuu caawa nasiyo kabtankiisa Steven Gerrard marka ay Liverpool Santiego Bernabue kula ciyaarto Real Madrid lugtii labaad kulamada groupyada Champions League-ga.

Rodgers ayaa go’aankaan qaatay isagoo 34-jirkaan ka saaray kooxdiisa Liverpool ee caawa wajaheysa Real Madrid wuxuuna u dhigaashaday kulanka ay kooxdiisa sabtida la ciyaari doonto Chelsea, kulan ak dhici doona Anfield Road.

Sidoo kale Express ayaa ogaatay in Rodgers uu damacsan yahay inuu isbadalo ku sameeyo kooxdiisa safkeeda hore waxaana la farmuuqay xidigaha Raheem Sterling iyo Dejan Lovren.

Liverpool haatan waxey fadhisaa booska sadexaad kala horeynta Group B, waxeyna ku dhibco tahay kooxaha Basel iyo Ludogerets, inkastoo Madrid ay 9-dhibcood ku hogaamineyso groupkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>