Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard Oo Qorsheynaya Inuu Ka Fariisto Kubada Cagta Kadib Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan

Steven Gerrard Oo Qorsheynaya Inuu Ka Fariisto Kubada Cagta Kadib Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan


Steven Gerrard

Kabtanka Liverpool Steven Gerrard ayaa lagu waramay inuu ku fikiray ka fiirsashada kubada cagta marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan xili shaki la galinayay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

34-jirkaan ayaa kadib koobka Aduunka ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, balse mustaqbalkiisa Liverpool isbuucyadii lasoo dhaafay shaki ayaa la galinayay kadib markii saxaafada Ingiriiska ay soo tabiyeen inuu qilaaf soo kala dhex galay tababare Rodgers iyo kabtankiisa.

Si Kastaba Daily Star ayaa qirtay in Gerrard uu kabaha dhigi doono marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan, inkastoo xidigaan ay hungo u tahay inuu ka baxo kubada cagta isagoon ku guuleysan EPL.

Ugu dmabeyntii arintaan waxaa soo dadjin karta in Liverpool qudheeda ay xidigaan ka codsatay inuu dhimo mushaarkiisa 140,000 ka ah ee uu ka qaato kooxda isbuuc…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>