Liverpool ayaa noqotay kooxda ugu badan ee ciyaartoy ku yeelata kooxda isbuuca todobaadkaan kulamadii 28-aad ee horyaalka, waxaana liiska sare ku wehliya Chelsea, labada kooxood ayaana min sadex xidig ku yeeshay.
Sidoo kale Arsenal ayaan liidan oo laba xidig ku yeelatay, halka kooxaha Manchester City, Swansea City, Tottenham Hotspur ay ku yeesheen min hal xidig.
Kooxda isbuuca waxaa laga waayay hal xidig oo ka tirsan kooxda Manchester United madama ay qaab xun soo bandhigeen kulankii Newcastle United.
KOOXDA ISBUUCA:
Goolhaye:
Thibaut Courtios (Chelsea)
Daafaca:
Per Mertesacker (Arsenal) Emre Can (Liverpool) Martin Demichelis (Man City) Cesar Azpilicueta (Chelsea)
Khadka Dhexe:
Henderson (Liverpool) Siggurdson (Swansea) Alexis Sanchez (Arsenal)
Weerarka:
Eden Hazard (Chelsea) Andros Townsend (Spurs) Daniel Sturridge (Liverpool)