Home » Maxaa Cusub » Suarez Iyo Gerrard Oo Ku Kulmay Mareykanka Ka Hor Kulanka LA Galaxy Iyo Barcelona Ee Dhawaan Dhici Doona

Suarez Iyo Gerrard Oo Ku Kulmay Mareykanka Ka Hor Kulanka LA Galaxy Iyo Barcelona Ee Dhawaan Dhici Doona


Suarez and Gerrard

Barcelona ayaa wajahi doonta LA Galaxy kulan saaxiibtinimo oo ay isugu diyaarinayaan xagaaga dhawaan bilaaban doona iyadoo kulankaas uu dib u kulmin doono halyeeyadii Liverpool Steven Gerrard iyo Luis Suarez kuwaas oo labada kooxood ka kala tirsan.

Steven Gerrard ayaa bogiisa instagram-ka soo galiyay sawir uu la galay dhigiisa Suarez kaas oo noqday muuqaalka ugu hadal heynta badan aaladaha lagu xariiro, waana xusuus u qaali ah Jamaahiirta Reds.

Gerrard oo 35-jir ah ayaa ka tagay Liverpool dhamaadkii xagaagii hore kadib 17-sano oo uu xirnaa maaliyada koodaas Anfield ka dhisan wuxuuna haatan waayahiisa ka bilaabay kooxda LA Galaxy.

28-jirka reer Uruguay ayaa isna hal xili ciyaareed ka hor ka tagay Liverpool isagoo markaas 75 Malyan Oo Pound ugu wareegay Barcelona wuxuuna nasiib u yeeshay inuu sadexley koobab ah kula guuleysto.

Suarez iyo Gerrard oo si wadajir ah ugu ciyaara Liverpool xili ciyaareedkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2013-2014, balse markaas waxey u dhawaadeen iney markii ugu horeysay kula guuleystaan horyaalka Ingiriiska, Sibxasho uu sameeyay Gerrard ayaana sahashay in Manchester City ay ku guuleysato horyaalka xiligaas.

Si Kastaba haatan Suarez iyo Gerrard ayaa dib u midoobi doona waana kulan runtii qaali u ah Jamaahiirta kooxda Liverpool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>