Home » Horyaalada » La Liga Spain » Suarez, Kroos & Bale Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca Horyaalka Spain

Suarez, Kroos & Bale Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca Horyaalka Spain


Kroos

Real Madrid ayaa wali fadhisa halka ugu sareysa isbuuca kadib markii ay xasuuqday Rayo Vallecano, sidoo kalana Barcelona ayaa dirqi kaga baxsatay Almeria kulan ay saacidaad uga baahdeen Luis Suarez, waxaase xusid mudan in wiilashii Diego Simeone ay la kulmeen guuldaro lama filaan ah markii ay booqdeen Real Sociedad.

Si Kastaba Real Madrid ayaa hogaamineysa kooxda isbuuca horyaalka La Liga, iyadoo ku leh sadex xidig: Bale, Kroos iyo Ramos ayaana usoo galay, sidoo kalana Barcelona ayaa ku yeelatay laba xidig Suarez oo markii ugu horeysay kasoo muuqday iyo Jordi Alba oo goolka guusha u keenay kooxda Luis Enrique.

Dhanka kale kooxda Real Sociedad oo ah kuwii guuldarada biday Atletico Madrid ayaa ku yeeshay sadex xidig, halka Espanyol ay ku yeelatay laba xidig.

LA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>