Home » Horyaalada » La Liga Spain » Suarez Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay La Ligaha Ka Dhaliyay Kulan Barcelona Ay Ku Bar Baratay Naadiga Cordoba

Suarez Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay La Ligaha Ka Dhaliyay Kulan Barcelona Ay Ku Bar Baratay Naadiga Cordoba


barca

Kooxda Barcelona ayaa gaartay guul muhiim ah kadib markii ay si xarago ku dheehan cagta ku marisay naadiga Cordoba.

Kulankan xiisaha badan Barcelona ayaa 5-0 guusha ku qaadatay waxaana hadal heynta cayaartaan wadaageen Lionel Messi oo labo gool dhaliyay iyo Luis Suarez oo markii ugu horeesay La Ligaha Spain gool ka dhaliyay.

Barcelona ayaa la filaayay inay kooxda Cordoba si sahlan ku dhaafto waxaana isla markiiba kooxdan tababarta yar gool kaga naxsaday Pedro daqiiqadii 2-aad wixii markaas ka dambeeyay Barcelona waxaa u sahlanaatay inay cayaarta iska maamulato.

Suarez

Inkastoo qaybtii hore goolal badan laga dhalinin kooxda Cordoba hadana awoodeeda difaac waxaa la wiiqay qaybtii labaad kadib markii Pedro uu kubad siiyay Luis Suarez oo ay u suura gashay inuu goolkiisii ugu horeeyay La Ligaha ka dhaliyo daqiiqadii 53-aad.

Gerard Pique ayaa cayaarta 3-0 ka dhigay daqiiqadii 80-aad wuxuuna daafacan dhaliyay kubad laad xor ah oo uu soo tuuray Xavi Hernandes.

Lionel Messi ayaa ugu dambeyntii diiday inuu kulankan gool la ka baxo wuxuuna is raacsaday labo gool qaybihii ugu dambeeyay kulankan daqiiqadaha kala ah 82-aad iyo 90-aad.

Weliba Lionel Messi labadan gool wuxuu ku dhaliyay lugta midi goo uusan inta badan goolal ku dhalinin.

Guuasha Barcelona ay gaartay ayaa ka dhigay inay haatan 1-dhibic oo qura ka hooseyso naadiga Real Madrid oo hogaanka La Ligaha horkaceyso.

Macalin Luis Enrique waxaa ka dagay culees weyn waayo kooxdiisa wadadii guusha ayay dib ugu soo laabatay madaama ay todobaadkii hore kulan muhiim ah badin weesay.

Hadaba Barcelona oo caawinaad ka heleyso Messi iyo Suarez masoo qaban kartaa Real Madrid inta ka harsan xili cayaareedkan?

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>