Luis Suarez ayaa ka warhaayo wararka kala duwan ee sheegayo in xidiga ay Barcelona ka wada tirsan yihiin Pedro Rodriquez uu kusii dhawaanayo inuu garoonka Camp Nou isaga hayaamo.
Pedro ayaa dalabyo kala duwan ka heesto kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool inkastoo siweyn loo hadal haayo inuu Man United ku biiri rabo.
Luis Suarez ayaa arinkan ka aamusi waayay wuxuuna yiri “Waxaan jeclahay inuu Pedro nala sii joogo waayo xidig wanaagsan sidoo kalena wada shaqeyntiisa wacan tahay”
Pedro oo 27-jir ah waxaa qandaraaskiisa lagu jebin karaa £22 million (€30m) waxaana la sheegay in lacagahan ay diyaar la tahay naadiga Man United.
Weeraryahankan xulka Spain ka tirsan xili cayaareedkii dhawaa 15-kulan ayuu cayaaray La Ligaha Spain waxaana booska ka xirteen Suarez, Neymar iyo Messi.
Pedro wuxuu kusoo biiray xarunta La Massia sanadii 2004 sidoo kalena kadibna wuxuu u dalacay kooxda heerka kowaad sanadii 2008.
Ilaa haatana wuxuu Barcelona kula guuleestay 5-jeer La Ligaha Spain iyo 3-jeer oo koobka horyaalada Yurub ah.