Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez Oo Weydiistay Macalinkiisii Hore Liverpool Dalglish Inuu U Gudoomo Kabta Dahabka Yurub

Luis Suarez Oo Weydiistay Macalinkiisii Hore Liverpool Dalglish Inuu U Gudoomo Kabta Dahabka Yurub


Tababarahii hore kooxda Liverpool Kenny Dalglish ayaa sharaf u arka inuu xaadir u noqdo gudoonka abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta yurub taasoo la gudoonsiin doono Luis Suarez.

Suarez ayaa macalinkiisii hore weydiistay inuu u gudoomo abaalmarintaas madama xidigaas heerka caalami uu xili ciyaareedkii dhamaaday dhaliyay 31-gool, 33-kulan oo uu safto horyaalka Premier League.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa abaalmarintaan kula midoobay Cristiano Ronaldo oo isna dhaliyay 31-gool xagaagii lasoo dhaafay kulamada horyaalka La Liga waxaan arbacada soo aadan xidigaan lagu gudoonsiin doonaan Barcelona.

Si Kastaba Dalglish ayeysan u suuragali karin inuu u duulo Barcelona si uu usoo arko Suarez, kaas oo dhameystay ganaax afar bilood ah kadib markii uu qaniinay Chiellini intii uu socday koobka Aduunka.

“Wuxuu i weysiistay Suarez inaan xaadir ahaado gudoonka abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta yurub ee arbacada soo aadan” Ayuu yiri Dalglish.

“Hadii ay suurtagal ii noqoto, waxey ii tahay sharaf weyn” Ayuu yiri mar kale Dalglish.

“Luis Suarez wuxuu xili ciyaareed aan caadi aheyn ku qaatay Liverpool sanadii lasoo dhaafay, isagoo kooxda u suuragaliyay iney hormar weyn ku talaabsato”

Ugu dambeyntii Dalglish ayaa og in taageere walba oo ka tirsan Liverpool uu ku farakaryo iney tahay mudnaan gaar ah inuu gacanta ku dhigo abaalmarinta Luis.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>