Lionel Messi ayaa xalay jabiyay rikoorkii Telmo Zara isla markaana dhigay rikoor hor leh madama uu sadexley kooxdiisa ku caawiyay kulan ay Camp Nou ku martigaliyeen Sevilla.
27-jirkaan reer Argentina wuxuu dhaliyay 53-gool, haatana wuxuu ku fadhiyaa kursiga ugu sareeya gooldhalinta horyaalka Spain madama uu xalay la wareegay.
Xidigaha Puyol, Suarez iyo Rafinha Alcantara ayaa sawiro soo galiyay bogagga xiriirka bulshada iyagoo weyneynaya xidigooda reer Argentina.