Home » Horyaalada » La Liga Spain » Suarez: “Waan Ogaa Iney Goolasheyda Imaanayaan, Waana Ii Farxad Inaan Ka Garab Ciyaaro Messi & Neymar”

Suarez: “Waan Ogaa Iney Goolasheyda Imaanayaan, Waana Ii Farxad Inaan Ka Garab Ciyaaro Messi & Neymar”


MSN

Luis Suarez ayaan ka aamin bixin wali inuu dib u heli doono goolashiisa Barcelona inkastoo uu xili dhib badan ugu bilowday garoonka Camp Nou wuxuuna qiray inuu ogaa iney goolashiisa imaan doonaan.

Xidigaan reer Uruguay ayaa Barcelona kaga soo biiray dhanka Liverpool bilowgii xili ciyaareedkaan, inkastoo uusan garoon u galin ilaa dhamaadkii October madama ganaax afar bilood ah la dul dhigay markii uu qaniinay Chiellini kulan ka tirsan koobka Aduunka.

Suarez ayaa ku fadhiya qiimo dhan 94 Malyan Oo Euro, balse kaalin weyn ayuu ka qaatay xasuuq ay Barcelona u geysatay Athletico Bilbao kulan ka tirsan La Liga Axadii.

Wuxuu dhaliyay hal gool sidoo kalana wuxuu ka qeyb qaatay laba gool oo ay dhaliyeen Messi iyo Neymar taasoo ka dhigan xidigaan uu dib usoo laba kacleeyay.

“Ma aheyn mid xanaaqsan, sababtoo ah arinta kaliya ee aan ka walwalo waa inaan caawin waayo kooxdeyda” Ayuu Suarez u sheegay Canal Plus.

“Nafsadeyda ayaan eedeeyaa marka aan si xun u ciyaaro aad ayaana u xanaaqaa” ayuu yiri Suarez.

“Balse waan ogaa in goolasheyda ay imaan doonaan,  iyadoo ay igu taagerayaan qoyskeyga iyo ciyaartoyda igu kooxda ah, haatan wey yimaadeen”

“Farxad ayey ii tahay inaan ka garab ciyaaro wiilasha mucjisada ah ee Messi iyo Neymar”

Ugu dambeyntii Suarez ayaa doonaya inuu sii wado goolashiisa ilaa uu ka baxo hooskaan uu galay kadib imaatinkiisa Camp Nou.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>