Home » Maxaa Cusub » Suuqa Kala Iibsiga: Man United Oo Heshiis Sadex Sano Ah Ka Saxiixaneysa Zlatan Ibrahimovic

Suuqa Kala Iibsiga: Man United Oo Heshiis Sadex Sano Ah Ka Saxiixaneysa Zlatan Ibrahimovic


Ibrahimovic

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa qorsheyneysa iney lasoo saxiixato Zlatan Ibrahimovic xagaagan iyadoo miiska u saareysa heshiis sadex sano ah.

Man United ayaa si fiican uga dukaameysatay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan waxeyna durba dhameestireen afar xidig oo muhiim ah, balse waxey haatan suuqa ka baadi goobayaan weeraryahan tayo sare leh.

Sportsmediaset ayaa soo jeedisay in kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ay Zlatan Ibrahimovic diyaar ula tahay heshiis sadex sano ah waxeyna ku dooneysaa iney ku qaadato 7 Malyan Oo Pound.

Dhanka kale kooxaha Inter Milan, Ac Milan iyo Chelsea ayaa xiiseynaya xidigaan heerka caalami kaas oo la filayo inuu isaga tago PSG.

33-jirkaan reer Sweden wuxuu dhaliyay 75-gool, 91-kulan oo uu u saftay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>