Sida ay qortay majaladda Marca ee kasoo baxda dalka Spain kooxda Man United ayaa qarka u saaran saxiixa daafaca kooxda Valencia Nicolas Otamendi.
Man United ayaa si ba’an u dooneysay xidigaan heerka caalami tan iyo xagaagii hore, inkastoo ay sheekadiisa hoos u dhigtay markii ay bartilmaameed ka dhigatay Mats Hummels, balse kooxda Dortmund ayaa si waafi ah ugu sheegtay in Hummels uusan kooxda ka dhaqaaqi doonin garoonka Signal Iduna Park taasoo keentay iney dardar galiso arimaha Otamendi
Marca waxey sheegtay in Man United ay Otamendi ku qancisay iney siin doonto sanadii 3.5 Malyan Oo Pound, waana qiimo xidigaan kusoo jiidi kara Old Trafford.
Dhanka kale Man United waxey u baahan tahay kaliya in Valencia ay aqbasho dalabka ay xidigaan ku dooneyso si loo soo afjaro sheekada xidigaan.
Ugu dambeyntii daafacaan reer Argentina waa mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan qaarada yurub waqtigaan madama uu xili ciyaareed fiican ku qaatay horyaalka La Liga.