Home » Horyaalada » France League I » SUUQA KALA IIBSIGA: Paris Saint Germain Oo Dooneysa Iney Qiimahii Ebid Ugu Badnaa Xidig Lagu Iibsado Kusoo Xerogaliso Cristiano Ronaldo

SUUQA KALA IIBSIGA: Paris Saint Germain Oo Dooneysa Iney Qiimahii Ebid Ugu Badnaa Xidig Lagu Iibsado Kusoo Xerogaliso Cristiano Ronaldo


Cristiano Ronaldo

Sida uu ku waramay wargeyska Marca ee Spain kasoo baxa kooxda Paris Saint Germain ayaa dooneysa iney dhigto rikoor cusub oo dunida kubada cagta ah iyadoo dooneysa iney 125 Malyan Oo Pound ku iibsato xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa dhaliyay in ka badan 50 gool xagaagan, balse wuxuu ku guuldareystay inuu kooxdiisa hal koob kula guuleysto taasoo keentay in xidigaan uu niyad jab ku yimaado waxaana dhawaan la filayaa inuu kulan la qaato madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Warbixinadaan ka imaanaya PARIS waxey sheegayaan in kooxda uu hogaamiyo Laurent Blanc ay miiska u saari doonaan madrid lacag waali ah oo dhan 125 Malyan Oo Pound si ay kaliya u hantiso Cristiano Ronaldo wuxuuna noqon doonaa markaas xidigii ebid ugu qaalisanaa kubada cagta.

Sidoo kale Marca kaliya waxey warbixinteeda ku ekeyday in kaliya uu jiro xiiso ay qabto PSG, waxaase sidoo kale aad u baadi goobaya xidigaan Man United oo ku hamineysa iney dib usoo ceshato.

Ugu dmabeyntii ma ahan markii ugu horeysay oo ay PSG isku daydo saxiixa Ronaldo balse waxba uma suuragalin ilaa iyo haatan waxaana meesha ka marneyn in kooxdan ay ku jirto kooxaha uu saameeyay xeerka dhaqaale wanaaga UEFA ee (FFP).

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>