Home » Maxaa Cusub » Suurta Gal Ma Tahay In Xagaagan Ay Arsenal Lasoo Soo Saxiixato Weeraryahanka Awooda Badan Zlatan Ibrahimovic!

Suurta Gal Ma Tahay In Xagaagan Ay Arsenal Lasoo Soo Saxiixato Weeraryahanka Awooda Badan Zlatan Ibrahimovic!


ibrahimovic1 (1)

Kooxda Arsenal waxaa la filaa inay xagaagan siweyn ugu mashquusho sidii ay cayaartooy tayo wanaagsan ula soo saxiixan laheyd.

Macalin Wenger ayaa ka dhawaajiyay inuu qaadi doono tilaabo uu ku dhameestiraayo meelaha kooxdiisa ka dhiman.

Sidaa darteed wararka laga helaayo dalka France ayaa sheegayo in kooxda Arsenal ay sameyn doonto isku day geesinimo ku dheehan madaama ay rabto inay xagaagan lasoo saxiixato Zlatan Ibrahimovic.

Madaama Olivier Giroud iyo Danny Welbeck aysan ka mid ahayn weeraryahanada Yurub ugu wanaagsan waxay Arsenal u baahan tahay inay gacanta kusoo dhigto Zlatan oo ka mid ah gool dhaliyayaasha aduunka ugu wanaagsan.

Zlatan dhankiisa wuxuu doonayaa inuu isbadal sameeyo madaama uu kooxdiisa PSG sedex sano oo xariir ah uu kula guuleestay Ligue 1 France.

Inkastoo qorshiisa yahay inuu Waqooyiga Ameerika ku nasto hadana waa macquul inuu dalabka Arsenal aqbalo madaama uu aad u tixgaliyo macalin Arsene Wenger.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>