Ka hor inta uusan xagaagan tartanka Copa America bilaabanin dalka Chile 14-ka bisha June ee nagu soo fool leh taageerayaasha reer Argentina ayaa arin xiiso badan isku raaceen.
Hadaba taageerayaasha reer Argentina ayaa u codeeyen taariikh ahaan 11-kii xidig ee ugu wanaagsanaa kuwaas oo ebid xirtaan maaliyada xulkan ka dhisan Koonfur Amerika.
Cod bixintan ayaa ka dhacday barta Twitter-ka waxaana ka qayb qaatay qof walbo oo jecel ama taageer u ah xulka Argentina balse shacab weynaha dalkan kasoo jeedaan ayaa codkooda ugu badan dhiibteen.
Hadaba hoos kaga bogo 11-ka xidig oo ay reer Argentina u doorteen kuwoodi ugu wanaagsanaa oo ebid xirtaan maaliyada xulkan awooda badan:
Goolhaye: Ubaldo Fillol (1974-85)
Daafaca: Javier Zanetti (1994-2011), Oscar Ruggeri (1983-94), Daniel Passarella (1974-86), Juan Pablo Sorín (1995-2006)
Khadka dhexe: Javier Mascherano (2003 ilaa haatan), Diego Maradona (1977-94), Juan Román Riquelme (1997-2008)
Weerarka: Lionel Messi (2005 ilaa haatan), Gabriel Batistuta (1991-2002), Mario Kempes (1973-1982).