Home » Maxaa Cusub » Taageere Arsenal Ah Oo La Xiray Markii Uu Dhalo Qamri Ah Kusoo Tuuray Kursiga Keydka Manchester

Taageere Arsenal Ah Oo La Xiray Markii Uu Dhalo Qamri Ah Kusoo Tuuray Kursiga Keydka Manchester


Keydk

Arsenal ayaa xaqiijisay in la xiray taageere Arsenal ah kaas oo dhalo Qamri ah kusoo tuuray kursiga keydka kooxda Manchester United sida warbixinta lagu sheegay, waxeyna ku beegneed xiliga ay United dhalisay goolka furitaanka.

Manchester United ayaa dib ugu laabatay kaalinta afaraad kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen Arsenal, Valencia ayaana goolka hore ku qasbay Gibbs inuu iska dhaliyo, ka hor inta uusan u labeyn Rooney oo weerar gaadmo ah ku gaaday inkastoo gool uu dhaliyay Giroud ay ka fujin weysay iney guuldaro la kulmaan.

Arsenal waxey sidoo kale xaqiijisay in taagerahaas ku kacay ficilka xun talaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan.

Shaqsi u hadlay Arsenal ayaa yiri: “Qof rag ah ayaa la xiray isagoo ku sugan garoonka kadib markii uu  walax ku tuuray kursiga keydka Manchester kadib goolkii koowaad ee Man United”

Sidoo kale shaqsigaan Arsenal u hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in taageerahaan kooxda ay kusoo rogi doonto ganaax ku saleysan dambiga uu galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>