Home » Africa » Alla Maxay Taariikh Tahay: Algeria Oo Noqotay Wadanka Kaliya Ee Carbeed Ee Isa Xaadiriyey Koobka Ee Brazil 2014

Alla Maxay Taariikh Tahay: Algeria Oo Noqotay Wadanka Kaliya Ee Carbeed Ee Isa Xaadiriyey Koobka Ee Brazil 2014

71197931_algeria_burkina

Xulka Algeria ayaa noqotay xulkii shanaad ee Afrika iyo xulka kaliya ee dalalka carabta ee u soo baxay Koobka Adduunka ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Burkina Faso kulankii lugta labaad ee kala baxa isreebreebka Koobka Adduunka.

Algeria ayaa ku soo baxday sharciga goolasha martida madaama kulankii lugta hore oo marti loo ahaa Burkina Faso looga soo badiyay 3-2, islamarkaana ay haatan ku badiyeen 1-0 taasoo wadar ahaan labada lug ka dhigeysa 3-3 balse Algeria ayaa labo gool ku soo dhalisay guriga Burkina Faso taas ayayna ku heshay booskeeda Koobka Adduunka.

Goolka dahabiga ee ay ku soo baxday xulka ka dhisan Waqooyiga Afrika ayaa waxaa u dhaliyay Madjid Bougherra afar daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad.

Waxaana halkaas ku dhimatay rajadii Burkina Faso oo dooneysay inay u soo baxdo Koobka Adduunka markeedii ugu horeysay, taas bedelkeeda Algeria ayaa noqotay xulka ka wakiilka ah dalalka carabta.

Waxaana ay Algeria buuxisay shanta xul ee Afrika u mataleysa Koobka Adduunka ee sannadka soo socda ka dhacaya Brazil iyadoo kula biirtay Nigeria, Cameroon,Ivory Coast iyo Ghana.

Shanta xul ee u soo baxay Koobka Adduun waa la mid shantii xul ee u soo baxday Koobka Adduunka 2010kii inkastoo xulka lixaad uu ku ahaa South Afrika oo martigelineysay waagaas.

Waa markii afaraad oo Algeria ay u soo baxdo kama danbeysta ciyaaraha Koobka Adduunka.

 
Waxaa Aqrisay: (210)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>