Home » Maxaa Cusub » Tababaraha Brazil Dunga Oo Difaacay Go’aankii Uu Thiago Silva Kaga Qaaday Kabtanimada Xulka

Tababaraha Brazil Dunga Oo Difaacay Go’aankii Uu Thiago Silva Kaga Qaaday Kabtanimada Xulka


Dunga

 

Tababaraha haatan xulka Brazil Dunga ayaa difaacay go’aanka uu xilka hogaanka Brazil kaga qaaday Thiago Silva isla markaana uu ugu dhiibay da’yarka Barcelona Neymar JR.

Daafaca Paris Saint Germain Thiago Silva ayaa dib kaga soo laabtay dhaawac uu mudo kaga maqnaa garoomada isagoo dib ugu soo laabtay xulka Qaranka Brazil inkastoo aan dib loogu celin hogaankii xulka.

Neymar JR ayaa ahaa kabtanka xulka Brazil tan iyo markii la magacaabay tababare Dunga kadib koobkii Aduunka madama xiligaas shaqada laga raacdeeyay Felipe Scolari.

“Xidig walba wuxuu leeyahay dabeecadiisa, balse kooxda waxey diyaarineysaa farsamo iyo muuqaal bilow ah taasoo  la xiriirta xeelad”

Sidoo kale Dunga wuxuu qiray iney jirto taageero maskaxeed oo uu siinayo xidigyaraha Brazil Neymar JR kaas oo u muuqda mid daba socda hanaanka wiilasha haatan aduunka ugu sareeya dhanka kubada cagta ee Messi iyo Ronaldo.

Dhanka kale Tababare Dunga ayaa bilaabay isku shaandheyn xoog leh tan iyo markii uu la wareegay xulka iyagoon wali la kulmin guuldaro, waxaase intaas dheer inuu fursad siiyay wiilal uu xaqiray Felipe Scolari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>