Home » Europe » Champions League » Tababaraha Xulka Jarmalka Joachim Low Muxuu Ka Yiri Finalka Champions League-ga & Kooxdee Ayuuse U Saadaaliyay

Tababaraha Xulka Jarmalka Joachim Low Muxuu Ka Yiri Finalka Champions League-ga & Kooxdee Ayuuse U Saadaaliyay


Low

Macalin Joachim Low ayaa aaminsan in Juventus ay awood u leedahay iney celiso weeraryahanada MSN marka ay caawa Barcelona kula kulmaan Finalka koobka Horyaalada Yurub.

Labada kooxood ayaa caawa ku kulmaya magaalada Berlin iyadoo mid walbaahi ay ku fakareyso iney dhameystirto sadexley koobab ah.

Joachim Low wuxuu qabaa in Barcelona ay ku guuleysan karto balse meesha kama uusan saarin in Juventus ay taqaano sida loola macaamilo Suarez, Messi iyo Neymar.

“Qof walba ayaa aaminsan in Barcelona ay ugu cad-cadahay, balse wey adkaan doontaa. Juve wey taqaanaa sida la isaga caabiyo xidigaha sida Messi, Suarez iyo Neymar” Ayuu Low u sheegay UEFA isagoo ku sugan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

“Barcelona waxey ku jirtaa qaab qurxoon, wax dhaawac ah ma qabaan, waxaan filayaa in ugu dambeyntii ay adkaan doonaan waayo waxey heystaan ciyaartoy tayo sare leh”

Macalinkii Jarmalka u qaaday koobka Aduunka 2014 ayaa sheegay in labada kooxood ay yahiin laba koox oo kala qaab duwan isla markaana in lakala baxo ay adkaan doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>