Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenegr Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Wararka Kooxdiisa La Xiriirinaya Raheem Sterling

Tababare Arsene Wenegr Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Wararka Kooxdiisa La Xiriirinaya Raheem Sterling


Sterling..

Layaab ma lahan in Raheem Sterling lala xiriiriyo kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaanse kusoo hadal qaadin shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Liverpool.

Si kastaba macalinka Arsenal ayaa amaanay da’yarkaamn 20-jirka ah ee ka tirsan kooxda Liverpool, balse wuxuu diiday inuu ka hadlo wararka xidigaan la xiriirinaya kooxdiisa.

“Sterling waa ciyaariyahan sare” Ayuu yiri Wenger

“Ma doonayo inaan ka hadlo arimahaan iyadoo 48-saacadood ay ka harsan tahay kulanka” ayuu yiri Arsener.

Mar kale ayaa lagu riixay inuu ka hadlo arimaha Raheem Sterling intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id balse kama quusan inuu iska diido ka hadlida mustaqbalka Sterling.

“aad baan u xushmeeyaa Liverpoo, balse waxaan diirada saarayaa kulanka, iyo inaan sameyno bandhigii aan muujineynay dhawaanahaan” ayuu yiri Arsene Wenger.

Ugu dambeyntii kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa sabtida garoonka Emirates ku yeelan doona kulan xasaasi ah xili Liverpool ay ka careysan tahay guuldaradii Man United.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>