Tababaraha reer France ee leyliya kooxda Arsenal ayaa amaan dusha kaga tuuray kabtanka Liverpool Steven Gerrard kaas oo aan ciyaari doonin kulanka ay sabtida wajahayaan wuxuuna ku tilmaamay xidigii ugu fiicnaa ebid ay kooxdiisa wajahdo.
Halyeeygan reer Ingiriis ayaan qeyb ka noqon doonin kulanka Emirates ka dhici doona madama uu casaan qaatay kulankii Anfield ka dhacay ee ay 2-1 qasaarada ah kala kulmeen Man United.
Steven Gerrard wuxuu bisha July ka hayaami doonaa horyaalka ingiriiska isagoo ku biiri doona kooxda La Galaxy ee dalka Mareykanka, nasiibna uma yeelan inuu macsalaameyo garoonka Emirates.
“Gerrard waa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican oo aan wajahnay” Ayuu Wenger ku sheegay shirkiisa jaraa’id, “Waa xidig awood sare leh daacadna u ah Liverpool” Ayuu yiri Arsene.
“Waa xidig lagu riyoodo, sidoo kalana leh dhamaan tayada looga baahan yahay xidig khadka dhexe ka ciyaara”
Ugu dambeyntii Arsenal ayaa haatan fadhisa booska sadexaad ee horyaalka waxeyna lix dhibcood ka sareysaa Liverpool oo kaalinta shanaad fadhisa.