Sida ay qortay The Sun macalinka reer France ee leyliya kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa isha ku haya weeraryahanka Juventus Fernando Llorente kaas oo lagu heli karo kaliya 8 Malyan Oo Pound isagoo ka cabsi qaba inuu waayo Benzema.
Llorente oo aan xagaagii hore safka hore ka aheen Juve ayaa hadana la filayaa inuu kooxda ka hayaamo madama ay kooxda kusoo biireen Zaza, Dybala iyo Mandzukic oo dhamaan weerarka ah.
Si kastaba xidigii hore Atletico Bilboa kaas oo 30-jir ah ayaa soo galay liiska uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka doonayo Wenger, wuxuuna xagaagii lasoo dhaafay Juve u dhaliyay 9-gool oo qura 45-kulan oo uu kasoo muuqday.
Fernando Llorente wuxuu si xor ah ku yimid Turin sanadii 2013 isagoo markaas kasoo hayaamay kooxda Athletic Bilbao ee dalka Spain.
Marka laga tago Fernando Llorente sidoo kale Wenger wuxuu isha ku hayaa xidigaha Higuain, Cavani iyo Lazzerete inkastoo xidiga ugu qiimo jaban uu yahay xidigaan reer Spain.
Waa ku qasab Wenger inuu keeno xagaagan weeraryahan tayo sare leh oo awood kale kusoo kordhiya kooxdiisa madama Welbeck iyo Giroud aysan saameyn ku yeelan xagaagii dhamaaday.