Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenger Oo U Jawaabay Manchester City: “Jack Wilshere Iib Maahan”

Tababare Arsene Wenger Oo U Jawaabay Manchester City: “Jack Wilshere Iib Maahan”


Wilshere

 

Arsene Wenger ayaa uga digay Manchester City inuu damac ka galo xidigaha waaweyn ee kooxdiisa sida Jack Wilshere isla markaana wuxuu qiray ineysan iibin doonin.

Waxaa soo ifbaxay dhawanahaan warar sheegaya in kooxda Manchester City ay dooneyso kubad sameeyaha dhaawaca badan ee xulka Ingiriiska Jack Wilshere kaas oo ka tirsanaa kooxdaan waqooyiga London ka dhisan ilaa sagaal jirkiisii.

“Ma ihin koox iibisa ciyaartoydeeda muhiimka ah mana joogno booskaas” Ayuu yiri Wenger.

Sidoo kale Wenger ayaa qiray ineysan dhagta u taagi doonin wararka ay qoraan warbaahita kuwaas oo ah been abuur.

Wilshere ayaa kasoo kabtay dhaawac uu mudo la jiifay madama uu ka qeyb qaatay kulankii ay kooxda da’yarta Arsenal ka badisay dhigeeda Aston Villa todobaadkan.

Wilshere wuxuu diyaar u yahay kulanka Burnley ee todobaadkaan wuxuuna noqon doonaa hadii uu ciyaaro inuu garoon galay tan iyo November sanadii hore.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>