Home » Maxaa Cusub » Tababare Claudio Ranieri Oo Laga Raacdeeyay Shaqadii Xulka Greece

Tababare Claudio Ranieri Oo Laga Raacdeeyay Shaqadii Xulka Greece


ranieri-greece-training490a_0

Tababare Claudio Renieri ayaa laga raacdeeyay shaqadii xulka Greece kadib markii ay guuldaro gurigooda ah kala kulmeen xulka Faroe Islands, kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.

Xulkii ku guuleystay Euro 2004, ayaa heysta kaliya hal dhibic afar kulan oo ay ciyaareen isreeb-reebka Euro 2016, waxeyna dhaliyeen kaliya hal gool iyadoo laga dhaliyay 5-gool, waxeyna markii ugu horeysay guuldaro kala kulmeen Faroe Islands.

Xiriirka Dalka Greece ayaa warbixin rasmi ah kusoo saaray in shaqada laga raacdeeyay macalinkii hore kooxaha Chelsea, Juventus iyo Monaco kaas oo xilkaan loo magacaabay kadib koobkii Aduunka.

Sidoo kale waxaa jira warbixino sheegaya in macalinkii hore xulka Italy iyo Republic of Ireland Giovani Trapattoni uu qarka u saaran yahay in loo magacaabo xilkaas.

Ugu dambeyntii guushaan ay gaareen Faroe Islands ayaa ah midii ugu horeysay oo ay gaaraan tan iyo sanadii 2011, waana cawaaqib xumo uu xulka Greece u keenay 63-jirka reer talyaaniga Claudio Renieri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>