Mourinho ayaa doonaya inuu Stamford Bridge kusii hayo Peter Cech isagoo ku xaasidaya Arsenal oo xidigaan si ba’an u dooneysa, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyay inuusan koox ka dhisan EPL-ka ka iibin doonin.
“Qorshaheyga koowaad waa inaan haayo Cech, sidoo kalana hadii aan iibinayo kama iibinayo Koox England ka dhisan” ayuu yiri Mou.
“Kaliya dooqeyga waa inuusan koox ka dhisan Ingiriiska aadin, balse wuu bixi karaa”
Go’aanka Mourinho wuxuu si fiican u anfici doonaa Paris Saint Germain oo xidigaan si ba’an iyana u dooneysa iyadoo Mou uu ogolaan doono inuu xidigaan ku biiro kooxda reer France hadii ay bixiso qiimaha ay duldhigtay Blues oo ah 10 Malyan.
Si kastaba Wenger ayaa ku raad jooga goolhaye uu la tartansiiyo David Ospina madama Szczesny uu gabay shaqadiisa, Cech ayuu damacsanaa balse Mourinho ayaan u ogolaaneyn taasna waxey ku qasbeysaa inuu goolhaye kale raadsado.
Ugu dambeyntiina Peter Cech ayaa doonaya inuu soo afjaro nolosha 11-sano oo uu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge ee galbeedka London.