Macalinka reer Portugal ee leyliya kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa hadal farxad leh u sheegay Jamaahiirta kooxda kadib markii uu u sheegay in Diego Costa uu taam u yahay kulanka Stoke.
Costa ayaa dhaawac dhanka muruqa ah looga saaray kulankii ay kooxdiisa 3-2 uga badisay kooxdaa Hull City todobaadkii ugu dambeeyay horyaalka.
Dhaawacaas wuxuu sababay in laga reebo xulka Spain ee kulamo saaxiibtinimo iyo kulamo ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 ciyaaray labadii todobaad ee lasoo dhaafay.
Hadaba macalinkaan 52-jirka ah ee maamula Chelsea ayaa ka hadlay xaalada caafimaad ee xidigiisa: “Costa wuu tababartay shalay iyo maanta, mana ahan dhaawac”
“Ma ogaan karo hadii uu kusoo bilaabanayo, taas waa go’aan aan qaadan doono, balse waaxda caafimaadka waxey sheegeen inuusan dhaawac qabin”
Ugu dambeyntii Diego Costa ayaa dhaliyay 19-gool, 23-kulan oo uu ciyaaray horyaalka Ingiriiska xili ciyareedkaan.