Home » Horyaalada » italian Serie A » Tababare Jurgen Klopp Oo Haatan Lala Xariirinaayo Jagada Macalinimo Ee Kooxda AC Milan

Tababare Jurgen Klopp Oo Haatan Lala Xariirinaayo Jagada Macalinimo Ee Kooxda AC Milan


Klopp

Tababaraha kooxda Dortmund Jurgen Klopp ayaa haatan lala xariirinaa inuu hogaanka naadiga AC Milan la wareegi doono madaama kooxda reer Talyaani ay qarka u saaran tahay inay macalinkeeda Pippo Inzaghi iska racadeeso.

Tuttosport ayaa sheegay in Milan ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay macalin Jurgen Klopp hogaankgaroonka San Serio ugu dhiibi lahayd.

Waayo macalinkan sanadii 2008 marka uu hogaanka kooxda Dortmund la wareegayay isla xaalada Milan ay maanta ku sugan tahay ayay ku sugneed wuxuuna ka dhigay mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu awooda badan.

Sidaa darteed maamulka Milan ayaa ku qal qaalin doonaan macalin Klopp inuu Serie A-da Talyaaniga usoo guuro inkastoo ay tahay markii ugu horeesay ee tababaraah lala xariiriyo kooxda Milan.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in gudoomiye ku xigeenka Milan Adriano Galliani uu daawaday kulankii todobaadkii hore Dortmund naadiga Juve kula cayaartay magaalada Turin wuxuuna si gaar ah ugu kuur galay falsafada macalin Klopp oo uu aad ula dhacsan yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>