Home » Horyaalada » La Liga Spain » Tababare Laurent Blanc Muxuu ka Yiri Wararka Kooxdiisa PSG La Xiriirinaya Xidiga Barca Dani Alves?

Tababare Laurent Blanc Muxuu ka Yiri Wararka Kooxdiisa PSG La Xiriirinaya Xidiga Barca Dani Alves?


Dani PSG

Macalinka Paris Saint Germain [Laurent Blanc] ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in kooxdiisa ay heshiis hordhac ah la gashay daafaca reer Brazil ee Barcelona Dani Alves.

Dani Alves heshiiska uu kula jiro kooxda Barcelona wuxuu dhamaanayaa dhamaadka xagaagan, waxaase jirta hadal heyn ah inuu xidigaan isaga tagi doono Camp Nou madama aan heshiis cusub laga saxiixin.

Hadaba wararka la helay ayaa sheegayay todobaadyadii ugu dambeeyay in Dani Alves uu heshiis laba sano ah la galay PSG inkastoo la beeniyay markii dambe.

Lauren Blanc ayaase arinta xidigaan ka hadlay ka hor kulanka caawa labadaan kooxood ku dhexmari doona garoonka Parc des Princess ee dalka faransiiska.

“Ma jiro wax xiriir ah oo aan la sameynay Dani” Ayuu yiri Blanc, “Waa xidig ka tirsan Barcelona mana ahan waqti ku fiican inaan la xiriirno isaga”

Sidoo kale Blanc ayaa qiray in xidigaan uu wali heshiis kula jiro Barcelona, isal markaana uu ka mid yahay mid ka mid ah daafacyada dhanka midig ugu fiican dunida waqtigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>