Tababaraha kooda Barcelona Luis Enrique ayaa shaaca ka qaaday inuusan dooneyn in kooxdiisa ay amaah ku bixiso saxiixa cusub ee kooxda Arda Turan.
Kabtanka xulka Turkiga ayaa ku biiray kooxda Barcelona bishaan gudaheeda, balse uma suuragaleyso inuu kooxda Bulgarana u safto tan iyo bisha January madama uu wali kooxdaan saaran yahay ganaaxii Fifa.
Waxaa jiray warbixino badan oo xidigaan la xiriirinayay inuu amaah kaga tagi doono kooxdaan si uu usii ilaaliyo qaab ciyaareedkiisa, balse Enrique ayaa arintaas kasoo horjeestay.
“Turan ma ciyaari karo ilaa January, ma ahan wax na quseeyo anaga, balse aniga waxaan doonayaa inuu nala joogo ilaa xiligaas” Ayuu yiri Enrique.
Lama oga hadii maamulka kooxda ay ku raaci doonaan Enrique inkastoo xidiga qudhiisa sida ay ku xiran tahay hadba sida uu ugu faraxsan yahay inuu sugo iyo inuu meel kale ka ciyaaro lixda bilood ee ganaaxa ka dhiman.