Daily Star ayaa sheegay in laacibka kooxda Man United ugu muhiiman Michael Carrick uu safan karo kulanka todobaadka dambe United wajihi doonto Chelsea.
Wargeska Daily Star ayaa sheegay inay warbixintan kasoo xigteen macalin Luis Van Gaal oo kalsooni weyn ka muujiyay in Carrick uu kulankan adag cayaari karo.
33-jirkan dhaawac ayaa soo gaaray qaybihii ugu dambeeyay kulankii Manchester Derby ay Man United guusha ku qaadatay 4-2 waxaana laga cabsi qabay in todobaadka dambe Carrick safan karin.
Macalin Van Gaal ayaa ka farxiyay taageerayaasha Man United wuxuuna yiri “Uma maleynayo in Carrick uu xaalad halis ah ku sugan yahay sidoo kalena wuu ku saxsanaa inuu kulankii Manchester Derby isa baxo qaybihii dambe”
“Wax dhib ah ma qabo waana laacib waaya araga ah oo fahmi karo waxa caafimaadkiisa u daran waxaana hubaa inuu todobaadka dambe kulanka Chelsea safan karo”
Michael Carrick ayaa muhiim u ah kooxdiisa Man United waayo markii uu dhaawaca kasoo kabtay United dib ayay usoo lab kacleesay waxayna gaartay guulo xariir ah taasi oo sababtay inay haatan kaalinta 3-aad kaga jiraan Horyaalka