Tababare Louis Van Gaal ayaa wali ku adkeysanaya in kooxiisa ay ilaashan doonto goolhayaha reer Spain ee sida ba’an loola xiriirinayo Real Madrid David De Gea, xili wax laga weydiiyay xili uu ku jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Hull City.
United ayaa wali ka shaqeyneysa in De Gea ay ku qanciyaan inuu heshiis cusub saxiixo, Van Gaal ayaana doonaya inuu goolhayahaan uu kooxda baaqi kusii ahaado.
“Waxaan aaminsanahay wali in De Gea uu joogi doono” Ayuu yiri macalinkaan halyeyga ah ka hor kulanka ugu dambeeya horyaalka oo ay u safri doonaan garoonka KC Stadium xili Hull City ay tahay koox ka ordeysa u laabashada heerka labaad.
Sidoo kale Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay in ciyaartoydiisa qaar ka mid ah uu la hadli doono kadib dhamaadka ciyaarta halka qaar kalana uu la hadli doono Isniinta.
Sida laga fahmay Van Gaal qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa la siin doonaa fasax ay kooxo kale ku raadsadaan halka qaar kalana heshiis cusub laga saxiixi doono waana in la sugo ilaa todobaadka soo aadan si loo ogaado halka uu ku dambeyn doono Mustaqbalka De Gea.