Home » Maxaa Cusub » Tababare Manuel Pellegrini Muxuu Ka Yiri Guuldaradii Crystal Palace Iyo Cadaadiska Shaqadiisa?

Tababare Manuel Pellegrini Muxuu Ka Yiri Guuldaradii Crystal Palace Iyo Cadaadiska Shaqadiisa?


Pellegrini

Tababaraha reer Chile ee leyliya kooxda Manchester City ayaa ka dhawaajiyay inuusan ka fakarin luminta shaqadiisa xili kooxdiisa ay guuldaro xun kala kulantay xalayto Crystal Palace.

Fursada ay kooxda Manchester City u heysato iney hanato horyaalka EPL-ka ayaa god sii gashay kadib markii ay xalay guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda uu hogaamiyo Alan Pardew.

Citizens ayaa haatan 9-dhibcood ka hooseysa kooxda Chelsea oo wali kulan baaqi gacanta kusii heysta waxaana dhiman kaliya 7-kulan horyaalka.

“Kama walwalsani shaqadeyda, waana arinta kaliya oo aanan waligey ka walwalin” ayuu Pellegrini u sheegay saxaafada.

“Kama cabsan wali arintaas, waxaan qabsanayaa shaqadeyda, waan ku faraxsanahay, wey dhici kartaa in kooxda ay gasho xili ciyaareed xun, balse kama walwalin arintaas wali” ayuu Pellegrini mar kale yiri.

Si kastaba saxaafada Ingiriiska ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay qorayay hadal heyn ah in Manchester City ay u dhaqaaqeyso badalka Pellegrini.

Sida la isku wada raacay Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti ayaa ah labada macalin ee hadal heynta ugu badan ay tahay iney badali doonaan Manuel Pellegrini.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>